Dagaalka Daacish & Al Shabaab ee dhaqaale ka uruurinta ganacsatada Muqdisho (Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Kooxda Daacish ee Soomaaliya aya bilaabay in ay lacaga farabadan ka qaataan shirkadaha iyo ganacsatada magaalada Muqdisho, shirkaddii iyo ganacsigii bixin waayana ay kooxda ka ugaarsato magaalada Muqdisho.

Kooxda Daacish aya weydiisatay shirkadda Hormuud in ay bixiso lacag dhan 4 milyan oo doollar muddo bil gudaheed ah. Shirkadda Hormuud aya iska dhaga tirtay amarka Kooxda Daacish waxayna taa keentay in kooxda ay dilaan ilaa 10 qof oo ka mid ah shaqaalaha Horumuud.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Hormuud oo ay la soo deristay cabsi ayaa bilaabay in ay baraha bulshada ku so qoraan in ay isaga tageen shirkadda oo aanay u shaqeyn si ay u arkaan farriimahaas kooxda Daacish iskuna badbaadiyaan.

Dowladda Federaalka ah ee hay’adaheeda amniga aya gebi ahaanba ku fashilmay sugidda amniga magaalada Muqdisho, iyado hadda ay bilaabatay isku dhaca labada koox ee Shabaab iyo Daacish kuwaasoo ku dagaalamaya lacagaha laga qaado ganacsatada magaalada Muqdisho.

Maxay isku hayaan Daacish iyo Al Shabaab?

Labada Dhinac Daacish iyo Al Shabaab ayaa isku haya labo arin oo muhiim u ah labada dhinac, waxaana ugu horeeya dhaqaalaha ay ka helayaan goobaha ganacsiga iyo shirkada waaweyn ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Arinta Dhaqaalaha ayaana ah tan ugu horeyso ee ay isku qabteen  Al Shabaab iyo Daacish, maadaama ay doonayaan inay helaan dhaqaalo ay kusii wadaan howlgaladooda dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxay isku hayaan ka wada howlgalida hal magaalo, tusaale ahaan marka ay doonayaan inay ka wada howlgalaan magaalada Muqdisho wey adkaaneysaa maxaa yeelay koox walbaa waxay dooneysaa inay awood ku yeelato magaalada.

Sidoo kale koox kastaa ma dooneyso in kooxda kale ay ka cabsadaan dadka magaalada, taasina waa arinta labaad ee keeneysa inay isku dhacaan labada kooxood.

Arimahaasi ayaa caqabad ku ah Shacabka magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka, waxaana ay dhibaato la kulmayaan marka dhaqaalaha laga doonayo.