Dagaalyahano katirsan Al-shabaab Oo Weerar Madaahfiic ah ku garaacay Magaalada Baraawe

Reading Time: < 1 minute

War hada naga soo gaaray G/Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in gordhow dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-shabaab ay tiro Hoobiyayaal ah ku garaaceyn qeybo kamid ah degmada Baraawe.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Baraawe ayaa inoo sheegay in halmar lamaqlay daryan madaafiic kuwaasi oo ku soo hoobanaya Magaalada baraawe.

Hoobiyayasha ayaa intooda badan waxay ku dhacen gudaha Garoonka diyaaradaha ee magaalada Barwwe oo ay ku sugney diyaarad Helicopter ah .

Sidookale waxaa la sheegay in aysan waxba gaarin diyaarada ku sugneyd garoonka diyaaradaha ee baraawe balse ay ku dhaceyn goob maqaayad aheed.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday halka tiri kale ay ku dhaawacmeyn.

Werarka madaafiicda ah ay Al-shabaab ku qadeyn garoonka diyaaradaha ee Baraawe ayaa imanaya xili todobaad ka hor dagaalyahano katirsan Al-shabaab ay werar dhanka bada ah ku soo qaadeyn magaaladasi.