Ciidamada Xoogga oo garab ka helaya kuwa Jubbaland ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano hoostaga Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubada Hoose.
Howlgalka inta ay ku guda jireen Ciidamada ayaa waxaa ay dagaal la galeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Baar sanguuni ee Gobalka Jubada hoose.
Genaraal Yuusuf Xasan Cusmaan dhuumaal oo ka mid ah saraakiisha Jubbaland ayaa waxaa uu sheegay in khasaaro lixaad leh ay gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Sidoo kale Genaraal Dhuumaal ayaa waxaa uu tilmaamay in 5 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab ay dileen, islamarkaana waxaa uu sheegay in hub fara badan ay ka soo furteen Al-Shabaab.
Degaanada ka tirsan Gobalka Jubada Hoose ayaa waxaa hada ka soconaya Howlgalo ay wadaan Ciidamada Xoogga iyo kuwa Jubbaland, kaasi oo ujeedkiisu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada Jubooyinka iyo Gedo.f