Dagaal xooggan oo maalintii 8aad ka socda duleedka magaalada Laascaanood

Reading Time: < 1 minute

Dagaal xooggan ayaa saaka ka socda hareeraha magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool. Dagaalkaas oo u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogagga beesha Dhulbahante ayaa galay maalintii sideedaad oo xiriir ah.

Ciidamada degaanka ayaa sida wararku sheegayaan saaka magaalada ka difaacay weerar culus oo Ciidamada Somaliland soo qaadeen. Dhamman dadaalladii Nabad-raadinta aya sidoo kale fashilmay kadib markii Taliska Muuse Biixi diiday in uu Ciidankiisa ka dul qaado Laascaanood.

Dhanka kale, Wasiir Xigeenka Amniga Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Cabdillaahi Xuseen Maxamed oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ciidamado ka tirsan kuwa Puntland ay shalay bilaabeen in ay dhaqdhaqaaq ciidan ka sameeyaan jiidda hore taasina dawladdu  Somaliland ay ka war hayso isaga oo dhinaca kale sheegay in ciidamada Somaliland shalay salaaddii subax la soo weeraray balse sidii caadada u ahayd ay si adag uga jawaabeen kooxihii soo duulayna dhirbaaxo ku dhufteen.