Dagaal Xooggan Oo Ka Dhacay Deegaano Ka Kala Tirsan Galmudug Iyo Puntaland

Reading Time: < 1 minute

Dagaal udhaxeeyey Maleeshiyaad Ku kala Abtirsada Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta waxa uu ka dhacay Deegaano ku dhaw Gaalkacyo.

Xoolo dhaqatadaan ayaa aano qabiil isku hayey,islamarkaana ay keentay in maanta gacan ka hadal dhexmaro.

Deegaanada Gadod iyo gacmo fale Wuqooyi Bari Gobolka Mudug Dhaca una jira Gaalkacyo Khiyaastii 65KM ayaana dagaalka uu ka dhacay.

Inta la og yahay 5 Qof ayaa dhintay waxaana dhaawaca uu ka badan yahay 3 Qof,waxaana weli jirta xiisadii ka dhalatay Dagaalkaasi.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulada Galmudug iyo Puntland oo Maleeshiyaadka dagaalamay ay ku kala abtirsadaan.