Dagaal Xoogana oo Al Shabaab Iyo Ciidamada Dowlada Ku Dhexmaray Deeganka Qalimow&Shabaab oo War Ka Soo Saaray

Reading Time: < 1 minute

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal xooganaa oo Ciidamada Dowladda iyo Al shabaab ku dhexmaray degaanka Qalimow oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkan aya yimid iyado dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar dhabagal ah ku qaadeen fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Qalimoow.

Dagaalka aya la shegay in ilaa maqribnimadii caawa uu socday waxana ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Al Shabaab aya baraha ay wararkooda ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen in dagaalka ay kula wareegeen degaanka, Saraakiishoodana ay shacabka kula hadleen goob fagaare ah.

Degaanka Qalimow waxa uu 25-KM dhanka Koonfureed ka xiga degmada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa caawa xaaladiisa wax ay tahay mid kacsan, iyada oo shacabka ay goor sii horeysay ku xaroodeen guryahooda.