Dagaal xoogan oo u dhexeeya Al Shabaab iyo Ciidamada Dowlada oo ka dhacay duleedka Degmada Balcad

Reading Time: < 1 minute

Warar kala duwan ayaa waxa ay kasoo baxayaan Dagaal xoogan oo u dhexeeya Al Shabaab iyo Ciidanka Dowlada oo kadhacay Degaan hoostaga Degmada Balcad ee Goblka Shabeellaha Dhexe.

Dad kusugan Deegaanka Qalimoow oo ah deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa waxa uu Warbaahinta MOL u sheegay in laysku adeegsaday hub xoogan oo daryankiisa laga maqlay Deegaano badan oo hoostaga Degmada Balcad waxaana Daka qaar ay kabarabaxeen guryohoodii kadib markii ay u adkaynsdan waayeen xooga rasaasta labada dhinac isku adeegsanayaan.

Inta badan Degmada Balcad Deegaanada hoosyimaada waxaa kusoo laalaabta Dagaalada u dhexeeya Al Shabaab iyo Ciidamada Dowlada mana jirto ilaa iyo hada cid kahadashay oo labada dhinac Dagaalkii manta dhacay