Dagaal xoogan oo lisku adeesanayo hubka Culus oo ka qarxay Guriceel.

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeyo Ciidamo ka kala tirsan Dfs iyo Galmudug oo isku dhinac ah iyo Ciidamo taabasan Ahlu Sunna uu  ka socda halkaasi.

Goob-joogayaal ayaa u sheegay warbaahinta sheegay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka culus iyo kuwa fudud, iyadoo dagaalka uu yahay mid xooggan islamarkaana uu ka socdo dhanka Koofureed ee magaalada.

Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Galmudug oo iskaashanaya ayaa magaalada Guriceel isku hareereeyay, iyagoo qabsaday barihii Kontorool ee magaaladaasi.

Waxaa jiro Khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada  waloow aan loo ogaan Karin si rasmi ah khasaaraha inta uu la egyahay.

Shacabkii deegaanka ku ahaa Magaalada Guriceel ayaa horey iskaga barakacay deegaannada magaaladaasi kuwaa oo u baxsaday duleeedka magaalada.

Dagaalka Guriceel haatan ka qarxay ayaa kusoo aadaya kadib markii Odayaasha dhaqanka ee Guriceel ku  guuldareysteen in labada dhinac heshiis la kala dhex dhigo sidaana looga baaqsado dagaalka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!