Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow degaano ka tirsan Gobolkaas uu dagaal xoogan ka bilaawday.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda iyo Al-Shabaab,waxaana uu ka socdaa inta u dhaxeysa Magalada Baladweyne iyo degmada Maxaas.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada oo ka baxay Baladweyne ay wadada u galeen Al-Shabaab,waxaana lagu soo waramayaa in u socdo dagaal u dhaxeeya labada dhinac.
Khasaaro labada dhinac ah ayaa la soo sheegayaa in uu ka dhashay dagaalkaas,wallow aan weli sirasmi ah aan loo xaqiijin Karin.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen inaysan xilligaan wax faah faahin ah ka bixin Karin dagaalkaas.