Dagaal xoogan oo ka socda xaafado katirsan magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamo kawada tirsan milatariga Soomaaliga gaar ahaan kuwa u abaabulan hab beeleed ayaa ka socda xaafado katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamo ay kala hogaaminayaan labo korneel oo katirsan milatariga Soomaaliya, waxaana dagaalkan salka ku hayaa dhul la sheegay in la isku heesto.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamo kala  taabacsan Korneyl Saney Cabdulle iyo Qaar kale oo iyana  taabacsan Cismaan Xaadoole Waxaana Dagaalku uu ka dhacay Xaafadda Sheekh Aadan Dheere ee degmada Kaaraan ee gobolka banaadir. waxaana rasaasta la is dhaafsanayo gaarayaan xaafado ka fog fog halka lagu dagaalamayo.

Khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in dagaalka ka dhashay, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir iyo laamaha amaanka oo ku aadan dagaalkan ka socda Kaaraan.

Degmada Kaaraan oo hada loo aqoonsaday degmada ugu amaanka xun ee kutaala Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dagaalo dhax mara saraakiil iyo ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya balse u abaabulan qaab qabiileed.