Dagaal xoogan oo ka socda gobolka Galgaduud

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus uu ka socdo degaanka Kaxandhaale, waxaana halkaasi ku dagaallamaya Maleeshiyo beleedyo.

Dagaalka ayaa bilowday Saakay , waxaana ilaa iyo hadda socda dagaal xooggan oo u dhaxeeyo labo Maleeshiyo beeleed.

Waxaa jira Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dagaalka ka dhashay sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka