Dagaal xoogan oo ka socda Bariire iyo khasaare ka dhashay

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ka qarxay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ah mid culus ayaa wuxuu u dhexeeyaa Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ku sugan tuulo u dhow ayaa MOL u sheegay in dagaalka yimid, kaddib markii dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen deegaankaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in dagaalyahannadu ay beegsadeen fariisimo ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin halkaasi.

Dagaal toos ah ayaa xigay weerarkan, kadib markii iska caabin xoogan ay sameeyeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgala deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo dagaaka haatan socda inkastoo aan la cadeyn inta uu la’egyahay.

Sidoo kale wararka qaar sheegaya in dagaalkan la’isku adeegsanayo hunba nuucyadiisa kala duwan, islamarkaana ay ku gubteen guryo ay daganaayeen dad Rayid ah.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay labada dhinaca ee diririya.

Bariire oo qiyaas 65 KM Koonfur Galbeed ka xiga magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaan la wareegay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Hase ahaayeen Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku soo qaada gudaha deegaankaasi.