Dagaal xoogan oo Gobolka Sanaag ku dhexmaray Ciidamo taabacsan Kornayl Caare iyo Ciidamada Maamulka Soomaaliland

Reading Time: < 1 minute

Wara dheeraad ah  ayaa waxa ay kasoo baxayaan Weerar Ciidamo ka amar qaata Korneyl Caare ay ku qaadeen Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Soomaaliland ee Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Weerarkaa ayaa waxaa kadhashay Khasaare isugu jira himasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac Dagaalkaa ayaa waxa uu dhacay Xalay saqdii dhexe.

 

“Anaga oo iska joogna ayaan waxaan maqalmay rasaas farabadan oo dhaceysa,waxaana naloo sheegay in Ciidada Korneyl Caare ay weerareen saldhiga Dhexe ee Magalada Ceerigaabo,khasaarana wuu jiraa balse ma ogin xaaladuna waa ay saakay degan tahay ayuu yiri”Qof ku sugan Magalada Ceerigaabo.

Ciidamada uu hogaamiyo Siciid Cawil Jaamac oo looyagaan kornayl Caare ayaa waxa ay dagaal dhoowrjeer lagaleen Ciidamada Maamulka Soomaaliland waxaana aad uga soo horjeedaa kornaylku Siyaasada Hogaamiyaha Somaaliladn ee Muuse biixi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!