Dagaal u dhexeeya Gudoomiyihii hore ee Degmada Balcad iyo Gudoomiyaha hada talada haya oo maanta ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Reading Time: < 1 minute

Dagaalkan oo ka dhaay deegaanka Ceel-Cadde ayaa waxaa u dhexeeyaa Ciidamo kala taabacsan Cismaan Xaadoole iyo Guddoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur (Furdug).

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in labada Ciidan ay isdhaafsadeen rasaas Culus, isla markaana uu jiro Khasaaro kala duwan, hayeeshee aysan xaqiijin karin inta uu la egyahay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Cismaan Xaadoole oo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee maamulka Hir-Shabeelle iyo  Guddoomiye Qaasim furdug ay isku heystaan dhul ku yaalla halkaas.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!