Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda oo ka dhacay Duleedka Magaalada Afgooye

Reading Time: < 1 minute

Waaxaa Warar kala duwan ay ka soo baxayaan Dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoosse waxaana Dagaalkaa uu u dhexeeyay Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda Soomaalia.

Dagaalka ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay deegaanka mukayga oo wax yar u jira Degmada Afgooye waxaana Dagaalkaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo kala gaaray waxaana dadka deegaanku ay soo werinayaan in Dagaalku uu ahaa mid aad u xoogan.

Inta badan Gobolka Shabeellha Hoose waxaa ka dhaca Dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo Ciidanka Dowlada ku waa oo isku adeegsada hubka nuucyadiisa kala duwan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!