Sida MOL ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, dagaal u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed oo ay qayb ka yihiin ciidamo ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa ka dhacay duleedka Magaaladaas.
Dagaalka ayaa bilawday saqdii dhexe ee xalay, waxaana uu xoogeysatay aroornimadii hore ee saakay, inkasta oo lasoo sheegayo in haatan uu istaagay, balse waxaa wali is hor fadhiya dhinacyadii dagaalamay.
Magaalada Gaalkacyo waxaa laga maqlayaa rasaasta fud-fudud iyo hubka culus sida kuwa garbaha laga tuuro iyo kuwa gaadiidka lagu xiro, waxaana khasaaraha ilaa haatan la xaqiijiyay 3-ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca saddex kale oo dhammaan ah dhinacyadii iska hor imaadka dhexmaray.
Galbeedka Magaalada Gaalkacyo oo ah halka ay ku dagaalameen labada maleeshiyo beeleed dadka degan ayaa bilaabay in ay barakacayaan si aysan saameyn ugu yeelan rasaasta ay isku ridanayaan dhinacyada dagaalamaya.
Wararku waxa ay intaa raacinayaan in Ciidamo ka kala tirsan Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug in dagaalka ay qayb ka yihiin, Koofurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo oo labada maamul kala qaybo waxaa ka tagay gurmad sida dadka deegaana MOL ay u sheegeen.
Waayihii dambe waxaa xasilooni ka jirtay Magaalada Gaalkacyo oo dhowr jeer hore ku dagaalameen labo maleeshiyo beeleed oo kasoo kala jeeda koofurta iyo waqooyiga Magaaladaas, inta badan waxaa ka qayb qaata iska hor imaadyadaas Askarta Puntland iyo Galmudug.