Dagaal U Dhaxeeyay Dagaalyahano Katirsan Ururka Al Shabaab Iyo Maleeshiyo Oo Ka Dhacay Deegaanka Sabuun

Reading Time: < 1 minute

Inta la xaqiijiyey laba ruux ayaa geeriyootay kadib dagaal dhex maray dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab iyo Maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka Sabuun oo 14km  Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Labada Ruux ee geeriyootay ayaa waxa ay ka mid ahaayeen Maleeshiyaad ilaalo ka hayey Buundada Sabuun oo ah  mid isku-xirta deegaano badan oo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dad ku sugan Magalada Jowhar ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in weerarkaas oo dhacay xalay,isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal dhexmaray Al-Shabaab iyo Maleeshiyaadkii la soo weeraray.

Deegaanka Sabuun ayaa waxaa ku sugan Maleeshiyaad deegaanka ah balse taageersan Dowladda Soomaaliya,waxana dadka deegaankaas ay sheegeen inay soo wajahday cabsi ku aadan in markale dushooda lagu dagaalamo.

Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin dagaalkaas xalay ka dhacay deegaanka Sabuun.