Dagaal u dhaxeeya Macaawisleyda beesha Jijeelle & Al-Shabaab oo-ka-dhacay-Hiiraan

Reading Time: < 1 minute

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka ee beesha Jijeelle iyo Al Shabaab ayaa maanta ka socda deegaanka Caag-sibiri oo hoostaga degmada Farlibaax ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo aad u xoogan ayaa biloowday kaddib markii Ciidamada dib-u-xoreynta beesha Jijeelle ay xoog uga fartuun xoolo maalin ka hor ururka Al Shabab  kaas markii hore qaab baad ah dadka deegaanka uga qaaday lacag iyo xoolo ay lahayeen.

Dhinaca kale maleeshiyada Al Shabaab ayaa saakay dhankooda weerar ku qaaday deegaanka Ceel-cadde waxaana lasoo warinayaa in deegaankaasi  uu dagaaal hada ka socda. Sida wararka la heliya tibaaxayaan Al Shabaab ayaa waddo qorshe aay ku doonayaan in dhanka Galbeed ee Gobolka Hiiraan ka galaan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida,waloow ciidamada deegaanka diidanyihiin.