Dagaal u dhaxeeya Janaraal Xuud iyo ciidank dowlada oo ka dhacay Baladweyne

Reading Time: < 1 minute

Aaaladda Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo aad u kacsan xalay ilaa iyo saakay ay ka dhaceen dagaalo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa Jabhada uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xuud. Dadka deegaanka qaarkood ku sugan magalaada ayaa u sheegay in dagaalka dhacay uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana uu ku geeriyooday hal qof, halka dad kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Ciidanka uu hogaaminayo Jeneraal Xuud oo markii horey weerar kusoo galay Baladweyne ayaa waxaa la tilmaamay inay dib uga laabteen halkaas, hayeeshee gudaha Magaalada laga dareemayo xaalad kacsanaan ah. Ciidamo farabadan oo ka tirsan Dowladda iyo kuwa Hirshabeelle ayaa lagu arkayaa waddooyinka Magaalada iyaga taagan, isla markaana xiray jadadk oo ay u diidayaan inay maraan dadka iyo gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Waaa la sheegayaa in Jabhada uu hoggaamiyo Jeneraal Abuukar Xuud ayaa kasoo horjeeda Shirka Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo Maanta markii ugu horreysay lagu qabanayo Baladweyne tan iyo markii la doortay Madaxweyne Cali Guudlaawe.Dag

Weli ma jirto faahfaahin laga helay khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka, waxaase wararka qaar sheegayaan in uu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac kaas oo aan si dhab ah loo ogayn baaxaddiisa.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!