Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya  magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi ay dib uga soo cusboonaatay xiisad dagaal oo u dhexaysa ciidanka Kumaandooska dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB iyo malayshiya-beeleed hubaysan.

Waraka ayaa waxa ay ku darayaa, Malayshiya-beeleedka hubaysan oo wata gaadiidka dagaalka  ayaa saaka  isku gedaamay xarunta Ciidanka DANAB ay ku leeyihiin Koonfurta Gaalkacyo waxaana sida la sheegay ay dalbanayaan in si deg deg ah loo soo daayo Ganacsade u dhashay Beeshooda oo habeen ka hor ay xabsiga dhigeen Kumaandooska DANAB.

Ma aha markii u hireeysay uu iska-horimaad noocaan oo kale uu dhaco, Labada dhinac oo haatan isku horfadhiya koonfurta Gaalkacyo ayaa laga cabsi qabaa in halkaas dagaal ku dhexmaro waxaana aga’gaarka la isku hor fadhiyo ka socda barakac ay samaynayaan dadka degaanka si aan loogu dul-dagaallamin.

Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan koonfurta Gaalkacyo ayaa la sheegay in ay ku adkaysanayan in aysan sii dayn doonin Ganacsadaha xiran islamarkaana ay ku hanjabeen in ay tallaabo ka qaadayaan malayshiyaadka hor fadhiya haddii aysan dib u laaban.