Dagaal u dhaxeeya Al Sunna & Ciidanka Galmudug oo ka socda duleedka Dhusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Iska horimaad ciidan  oo u dhexeeya Ciidamo daacad u ah ururka Al Sunna Wajameeca iyo kuwa  ka socda  Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa hada ka socda degaanka Bohol oo waqooyi ka xigta Magaalada Dhuusamareb ee Gobolka Galgaduud.

Sida ay sheegaan goobjoogayaal ciidamada ka socda labada dhinac  ayaa weli isku horfadhiya halkaas, degaanka Bohol, isla markaana ay xiisadda ay xiligaan  kacsan tahay. Waxaa jira cabsi laga qabo in dagaalka uu soo gaaro magaalada Dhuusamareeb.

Waxa jira warar kale oo sheegaya in uu sidoo kale iska-horimaad uu ka dhacay duleedka Magalaada Dhuusamareeb iyada oo shacabka ku dhaqan dhuusamareeb ay la soo daristay cabsi iyo wal-wal.

Dagaalkaan ayaa imaneysa ayada oo warar ay sheegayaan in ciidamada Ahlusunna ay toddobaadyadii tegay dib isugu urursanayeen deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud. Hoggaamiyayaasha Ahlusunna Macallin Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa toddobaad kahor dib ugu laabtay gobolka kadib in ka badan sanad iyo bar oo ay ka maqanaayeen, taasi oo ka dambeysay markii looga adkaaday dagaal ka dhacay Dhuusomareeb.