Dagaal u dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamada Galmudug oo ka socda Dhagaxyaale

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xoogan oo hada ka socda Deegaanka Dhagaxyaale, una dhaxeeya ciidamo katirsan Galmudug Iyo Al shabaab.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta  u sheegay dagaalka inuu yimid kadib markii Xoogag katirsan Al shabaab ay soo gaareen deegaankaasi, sidaaasna uu ku yimid dagaal xoogan oo ilaa hada dhax maraya ciidamo taabacsan Maamulka Galmudug Iyo Kuwa Al shabaab.

Deegaanka Dhagaxyaale ayaa qiyaaas ahaan 50 KM u jira degmada Guriceel ee Xarunta Galmudug, halkaasi oo saakay dagaal xoogan uu ka socdo..

Wali wax war ah kama soo bixin Al shabaabka weerarka qaaday iyo kuwa Maamulka Galmudug,Dhanka kale lama oga khasaaraha rasmiga ee soo kala gaaray labada dhinac iyo dadka shacabka ah.