Dagaal Khasaare badan lagu gaarsiiyay cadowga Khawaarijta ah ayaa ka socda deegaanka Iji oo 23-KM dhanka waqooyi kaga beegan degmada Mahadaay ee Gobalka Shabeellada Dhexe.
Howlgalkaan ayaa lagu bartilmaameedsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo deegaankaas ku dhuumaalaysanayay, sidoo kalena dhagar u qorshaynayay shacabka Soomaaliyeed.
Kooxda Al-Shabaab ayaa bilihii dhowaa laga saaray deegaano badan oo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee maamulka HirShabeelle, hase yeeshee waxay weli ku sugan yihiin degaanada qaar.
Al shabaab ayaa u muuqda iney helaan fursad ay dib isu soo abaabulaan kadib markii ay joogsadeen dagaaladii ka socday Hiiraan iyadoo ay xusid mudantahay in Koofurta Hiiraan ay sidooda u joogaan.