Dagaal saakay markale ka qarxay Laascaanood iyo Somaliland oo ka hadashay

Reading Time: < 1 minute

Dagaal xoogan ayaa maalintii labaad ka qarxay magaalada Laascaano, hugunka hubka ayaa la maqlayaa guud ahaan magaalada Laascaanood.

Dagaalka iyo sawaxanka rasaasasta  ayaa laga maqlayaa guriga gobalka oo ka baxsan magaalada oo ay shalay dageen wasiirada iyo saraakisha Somaliland. Kuwaas oo ka baxay Hoteelka Xamdi oo ay horey uga daganayeen magaalada Laascaanood.

Dhanka kale Xukuumadda Somaliland ayaa markale sheegtay in saakay weerar lagu soo qaadey fadhiisimada ciidamada Qaranka ee magaalada Laascaanood;

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland goordhaweyd ayaa u dhignaa sidan;

WAR-SAAFADEED:

Hargeysa-07-02-2023()- Waxaa Saaka 5:30 Subaxnimo marlabaad soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood  kooxo argagixiso ah, kuwaasoo ah kooxihii shalay subax wareerka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka iyo Xarunta Golaha Wasiirada.

Kooxahan Argagixisada ah ee saaka soo wareeraray Fadhiisimada Ciidanka Qaranka, waxaa taageeraya Ciidamo ka soo tallaabay Maamulka Putland, kuwaasoo si toosa ugu jira dagaalka saaka, waxaa kale oo iyana dagaalka qayb ka ah Ciidamada la baxay Khaatumo.

Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka, wadamada Jaarka ah, Midawga Africa, Urur Gobeedka IGAD, Qaramada Midoobay iyo Jaamacada Carabka in dagaalka Laascaanood ay iska kaashadeen kooxo argagixiso ah iyo Maamulka Putland oo si aan gabasho lahayn dagaalka ugu jira.

Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku suntan tahay nabad iyo horuumar, waxayna ku jirtaa is difaac iyo in ay shacabkeeda ka difaacdo cadawga ku soo duulay.

Waxaa kale oo aanu Beesha Caalamka la socodsiinaynaa iyo Shacabka Somalilandba in Maamulka Putland dagaal ka abaabulayo Garoowe, iyagoo qorshanaya in ay soo weeraraan fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Jiida hore, waxayna Ciidanka Qaranku diyaar u yihiin is difaac.

Cabdilaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.