Dagaal Saakay Kasoo Cusboonaaday Degaano Hoostaga Gobolka Jubada Hoose

Reading Time: < 1 minute

Wararka soobaxaya ayaa haatana sheegaya in saakay dagaal looga waabariistay deeganka dalsan oo magaalada kismaayo oo ay halkaasi ku daglamayaan laba beelood oo halkaasi wada daga

Shalay ayeey aheeyd markii labadan maleeshiyo uu halkaasi ku dhexmaray dagaal xoogan balse dadka deegaanka oo aan xiriiro la sameynay ayaa inoo sheegay iney saakay maqleen rasaas teel teel ah ah oo laga maqlayo labada maleeshiyo beeleed halka ay isku horfadhiyaan

Inta la xaqiijiyay 10 ruux ayaa ku geeriyootay dagaal beleedyada ka socda haatan duleedka magaalada kismaayo labadan maleeshiyo beeleed ayaa horay heshiis loo dhex dhigay belse haatan waxaa circa isku siishareeraya dagaalka u dhaxeey labadan beel

Maamulka jubbalnd iaa iyo haatan isku ma aysan dayin iney kala dhexgasho labada beelood eek u dagaalamaya deegaanka dalsan oo 25 km u jira magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose

Sikastba ha ahaatee dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in haatan odayaasha iyo wax garadka daga deeganada hoostaga magaalada kismaayo ay wadaan waan waan ku aadan sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya labada beelood eek u dagaalamaya degaanka dalsan