Saakay subaxii hore waxaa laga maqlayay gudaha iyo gaafaha magalaada Laascaanood dhawaqa hubka nuucyadiisa kala duwan ee la’isku adeegsanayo. Dagaalka ayaa socday waqti kooban. Xaaladda magaalada Laascaanood ayaa hadda deggan kadib dagaal saaka aroortii dhacay.
Ciidamada isku hor fahiya magaaladaasi ee kuwa Somalilnd iyo dhanka SSC ayaa saaka subaxnimadii is fara saaray iyadoo markii dambe ay xaaladdu qabowday.
Ilaa iyo hada lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi oo socday mudadasi kooban mana jiraan wax war ah oo kasoo baxay xukuumadda Somaliland iyo huwanta dagaalka ka wada Laascaanood