Degmooyin ka Tirsan Gobolka Banaadir waxaa ka taagan xiisad colaadeed oo u dhaxeeysa Maleeshiyaaad u abaabulan qaab qabiil kuwaasi oo dagaal dhax-maraayo.
Degmooyinka Dayniile iyo Wadajir waxaa isku hor-fadhiyo labo Maleeshiyaaad kuwaasi oo dhul iyo aano qabiil isku haaya dirir hore oo dhexmartay waxaa ka dhashay qasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Dayniile dagaal ka dhacay maalin ka hor waxaa ku geeryotay sedax ruux walina xal lagama gaarin kuwaasi oo isku dilay labo jufo oo ay ku kala abtirsadaan waxaana dhaliyay dagaalkaasi aano qabiil
Degmada wadajir sidoo kale Maleeshiyaaad ayaa hubka isku sifeeysanaya kuwaasi oo isku heeysta dhul, waxaana halkaasi horay ugu geeryotay dad gaaraya ilaa iyo 7-ruux
Maamulka Gobolka Banaadir ayaana dan ka geleeynin dagaalkaani waxaadna moodaa in uu daawade ka yahay, shaqadda Gobolka Banaadir ayaana aheeyn mid lagu nasto xafiisyada waana howl-qabasho u baahan ha’yeeshee gudoomiye yariisoow ayaa hurda wali