Dagaal markale ka qarxay degaano ka tirsan Gobolka Mudug

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deganaka Koonfurta Galmudug ciidamada Milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, ayaa saaka weerar culus oo dhawr jiho ah ku qaaday tuulooyin ku dhow degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidamada iyo dagaallamayaasha Al-shabaab, ayaa sida wararku sheegayaan haatan ka socda nawaaxiga degaankaas Camaara oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab. Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa laga soo xigtay in ay ku wajahan yihiin degaanka Camaara, si ay halkaas uga saaraan ururka Al-shabaab oo gacanta ku haya.

Dhanka kale, Khasaaraha ka dhashay dagaalka labada dhinac ayaan weli faahfaahin laga helin waxaana lagu soo warramayaa in dagaalku ku sii fidayo degaanno horleh.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!