Wararka ka imanaya Gobolka Togdheer aya shegaya in Dagaal u dhaxeya Maleeshiyo beeleedyo uu ka dhacay Degaano ku dhaw Degmada Buuhoodle ee Gobolkaasi.
Dagaalka aya ka dhacay Maanta Deganada Horufadhi Iyo Gocodhaale waxana halkaasi ku dagalaamay maleeshiyaad u abaabulan qaab beeled.
Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Saddex qof iyadoo Labo kalena dhaawac uu soo gaaray.
Dadka ku sugan Togdheer ayaa soo sheegaya in dagaalkan uu ahaa mid xooggan, welina ay jirto xiisaddiisu.
Ma jirto cid kala dhexgashay dhinacyada isku haya gobolka Togdheer, iyadoo xilli walba ah xaaladdu isbeddeli karto.