Dagaal leysku adeegsaday hubka culus oo dib uga qarxay Laascaano

Reading Time: < 1 minute

Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada beesha Dhulbahante oo taageero ka haysta beelaha kale ee dega Puntland iyo SSC iyo Taliska Ciidamada  Somaliland ayaa saakay dib uga bilowday jidaha bare ee magaalada Laascaanood gaar ahaanna aagga Gooja Cade iyo Togga Maraaga,

Dagaalkaan ayaa dib u bilaawday kadib markii uu fashil ku yimid waanwaantii ay waday dowlada Itoobiya.

Ilaa iyo hadda lama yaqaan khasaaraha ka dhashay daalkaas. Kumanaan kun oo qof ayaa horay uga qaxay magaalada Laascaanood.

Dhanka kale dagaalkaan ayaa ku soo aadayo saacado ka dib markii shirkii Baydhabo uga socday dowlad goboleedyada iyo dowlada dhexe ay soo saareen warmurtiyeed ay ku dowlada federaalka ku muujinaysay inay dhexdhexaad ka tahay dagaalkaas.

Warkana waxa uu u qornaa Sidaan:

“Goluhu wuxuu baaq nabadeed u dirayaa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood, wuxuuna cambaareynayaa cid kasta oo gayb ka ah hurinta dagaalka iyo si socoshada colaadda. Goluhu wuxuu soo jeedinayaa wadada keliya ee xalka mushkiladda taagan inay tahay wadahadal. Dawladda Federaalku waxay diyaar u tahay inay mar walba kaalinteeda ka gaadato nabadeynta”