Dagaal laga cabsi qabo in uu dhex-maro Puntland iyo Soomaaliland!!

Reading Time: < 1 minute

Magalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag waxaa kulan ku yeeshay  Odayaasha iyo waxgaradka gobolkaas, kas oo lagu xalinayo xiisad ka taagan degmada Yubbe ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland.

Degmada Yubbe ayaa waxaa dhawaan cidiamo farabadan geeysay Soomaaliland taas oo keentay in Puntland ay caro ka muujiso, isla markaana ciidamo farabadan ay geyso deegaano ka torsan gobolka Sanaag.

Odayaasha Dhaqanka ayaa hab hoose oo beeleed ah waxa ay u xalinayaa xiisadaas si uusan u dhicin dagaal u dhaxeeye Puntland iyo Soomaaliland,waxaana shirkasi ka qeyb galaya waxgaradka beelaha dega galbeedka iyo bariga gobolka Sanaag.

Shirka ayaa waxaa lagu go’aamiyey in Ciidamada Soomaaliland ee  kasoo jeeda  galbeedka Ceerigaabo ay ka baxaan degmada Yubbe, isla markaana ay dib ugu laabtaan halkii ay markii hore ka yimaadeen,waxaana lagu balamay in go’aankaas la dhaqan geliyo.

Go’aanka shirkaasi lagu gaaray ayaa waxaa loo gudbiyey taliyaha Ciidamada Soomaaliland  Janeraal  Nuux Ismaaciil Taani kaasoo isaguna qoraalkii waxgaradka iyo isimada u qaaday dhinaca madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi, isla markaana jawaab laga sugayo.

Dadka ku nool deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa aad uga walacsan xiisada u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland, iyaga oo ka cabsi qabay in dushooda lagu wada dagaalamo.