Dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ka dhacay Ceel-waaq

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka aanu ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya ciidamo katirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo dagalamayaal katirsan Alshabaab uu ka dhacay degmada Ceel-waaq ee gobolkaasi.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka laysku adeegsaday hubka fudud iyo kan culus, muddo ku dhaw saacadna uu halkaasi ka socday.Sidoo kale wararka ayaa tilmaamaya in uu jiro qasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay inkastoo aan la ogeyn qasaaraha inta uu la egayahay.