Dagaal iyo duqaymo ayaa saaka oo Jimce ah ka sii socda magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.
Ciidamada Somaliland ee fadhiya Gooja-cadde ayaa sida warar xaqiijinayaan ayaa waxaa soo weeraray ciidamada degaanka ee ku sugan gudaha Laascaanood.
Hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isu adeegsanayaan labada dhinac ayaa laga maqlayaa magaalada sida ay noo sheegeen goob-joogayaal.
Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale madaafiic iyo qoryaha waaweyn iga Jawaabay waxa ay ku sheegeen weerar iyaga looga soo qaaday dhinaca magaalada gudaha Laascaanood.