Dagaal khasaare ka dhashay oo Galgaduud ku dhex maray Al Shabaab iyo ciidanka dowlada

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoog leh oo u dhexeeya ciidamada dowlada iyo dagaalamayaasha Alshabaab uu ka bilowday deegaan ka xiga dhinaca koofureed magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug

dhanka kale, waxaa la soo sheegayaa in ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor iyo ciidamada qeybta 21aad ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen degaano ku yaal inta udhaxeysa Tuula-xaayow iyo Ceel-dheere oo jihada koonfureed kaga beegan magaalada Dhuusamareeb.

Dagaal xoog leh ayaa la sheegay inuu ku dhex marayo halkaas labada dhinac iyadoo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Lama oga illaa hadda qasaaraha ka dhashay dagaalka oo muddo saacado ah socda waxaana halkaas gaaraya gurmad labada dhinac ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!