Dagaal khasaare geystay oo dhex maray ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo Al-shabaab uu ka dhacay buuraha dhanka waqooyi kaga beegan tuulada Af- Urur oo ka tirsan Gobolka Bari. Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii  ciidamada maamulka  Puntland ay hawlgal qorshaysan ku qaadeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo buuraha isku urursanayay si ay soo weeraraan tuulada Af-Urur.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa  sheegaya in dagaalka uu muddo saacado ah uu ka socday deegaanka Af-urur ee gobolka Bari. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Af-urur, sidoo kale ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!