Dagaal ka socda xarunta Booliiska ee degmada Jowhar iyo xaalada oo kacsan

Reading Time: < 1 minute

Si ay sheegayaan dad goobjoogaal ah, waxaa Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ka socdo dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo Kooxda Macwiisley. Rag ka tirsan Macwiisleyda ayaa weerar ku qaaday Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Hirshabeelle ay ku leeyihiin gudaha Magaalada Jowhar, sidaasina uu ku bilowday dagaalka.

Guud ahaan magalaada Jowhar ayaa waxa laga maqlayaa dhawaqa hub culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu jiro khasaaro. Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Kooxda Macwiisley ay ka careysan yihiin xarig horey Gobolka Shabeellaha Dhexe loogu geystay rag ka tirsan Macwiisleyda oo u xiran Ciidanka dowladda.