Sida ay ku waramayaan wararka ka imaanaya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool waxa halkaasi ka socdo daagal u dhaxeeya Ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah ayuu dagaalkaas sababay,waxana weli la ogaan Karin khasaaraha rasmiga ah maadaama weli dagaalka halkaasi kas ocdo.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta Puntland ayaa goor dhow shaaciyay in ciidamada Puntland ay dagaal kula wareegeen degaanka Tukaraq.
Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil oo ah Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in dagaalka uu wali socdo,islamarkaana ay wali gacanta ku hayaan degaankaasi.
Dagaalada ayaa kusoo aadaya xilli Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Michael Keating uu xalinta xiisadaas u tegay Magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa basle ay u muuqato in xiisadu ay sii kacday.