Dagaal ka qarxay duleedka magalaada Baladweyne

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan Warar ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay dagaal culus uu ka socdo duleedka iyo xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne. Dagaalka ayaa u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega, waxaana lasoo sheegayaa inay ku baxeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka howlgala gobolka Hiiraan.

Dagaal ayaa salka ku haya dhul beereed, waxuuna dhex marayaa maleeshiiyaad ka soo kala jeeda beelo dega galbeedka magaalada Beledweyne, waxuuna dagaalkaan oo saakay ka bilaawday tuulo hoos tagta magaalada ku faafay xaafadaha dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.