Dagaal ka dhex qarxay AMISOM iyo Madaxtooyada (Maxaa dhacay? Akhriso)

Reading Time: < 1 minute

Waxaa toddobaadkii hore la qorsheeyay in MW. Farmajo uu booqasho ku tago magaalada Afgooye iyado la diyaariyay ciidan tirabadan oo galbin lahaa Madaxweynaha, kuwo kalena laga sii hor mariyay si ay u sugaan ammaanka wadada u dhexeysa Muqdisho & Afgooye.

Maalintii la qorsheeyay in uu baxo MW. Farmaajo ayaa waxaa is hortaagay bixitaankiisa ciidanka AMISOM ee gacanta ku haya amniga Madaxtooyada waxayna sheegeen in ay qabaan amar ah in aanu Madaxweynaha bixi karin.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay buuq badan iyo muran dhex maray saraakiisha AMISOM iyo howlwadeenada Villa Somalia.

Ugu danbeyntii waxaa la joojiyay socdaalkii MW. Farmaajo uu ku tagi lahaa magaalada Afgooye. Sida ay MOL u xaqiijiyeen howlwadeeno ka tirsan Villa Somalia waxaa bilowday qorshe lagaga saarayo ciidanka AMISOM Madaxtooyada iyo in ay sugaan ammaanka Madaxweynaha.

Qorshahan oo ay horboodayaan Fahad Yasin & RW. Kheyre aya waxaa ka dhalan doona isqabqabsi kale iyo mugdi soo kala dhex gala taliska AMISOM, Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya.

RW. Kheyre ayaa gebi ahaanba iska eryay ciidanka AMISOM ee ilaalada ka ahaa xafiiskiisa iyo hoyga uu degan yahay waxaana loo sheegay in aanay soo dhaafi karin illinka hore ee laga soo galo guriga Ra’isul Wasaaraha.

MW. Farmajo iyo RW Kheyre aya u arka falalka aan laga fiirsan ee ay ku maagayaan ciidamada iyo howlwadeenada beesha caalamka ee jooga Soomaaliya in ay tahay mid ay ku kasban karaan quluubta shacabka ay lumiyeen iyagoo isu ekeeysiinaya in ay yihiin waddini, balse xaqiiqda jirta ay tahay in ay ku sifoobeen boobka hantida, caburinta shacabka iyo in ay door bideen in ay u dhaqmaan qaab kaligii talis oo aan awood lahayn.