Dagaal ka dhan ah MW Xaaf oo ka bilaawday Villa Soomaaliya iyo shaqsiyaad lacag loo balan qaaday!

Reading Time: 2 minutes

Waxaa magaalada Muqadishu ka bilaawaday dagaal ka dhan ah Madaxweyne Axmad Ducaale Geele (Xaaf), dagaalkaan oo laga soo abaabulayo Villa Soomaaliya ayaa waxa qayb ka ah qaar ka mida xildhibanada iyo Senator-ka laga soo doorto dowlad goboleedka Galmudug.

Farmaajo ayaa waxa uu balan qaaday in uu bixinaayo  lacag kastaa ee ku baxayso sidii MW Xaaaf looga wareejin lahaa Galmudug. Musharaxiinta qaar ayaa loo balan qaaday lacag ay kula dagalamaan MW Xaaf, qaarkoodna waxa laga soo kaxeeyay shaqooyinkooda si loo istcimaalo halka qaar kalana lagu qanciyay in joogitaanka MW Xaaf uu keeni doono in ayan dib ugu soo noqon xildhibaanadooda.

Qaar ka mida madaxdii dawladihii hore  ee dalka soo maray oo hada xisbiyo sameeysaty ayaa ayaguna u arka fursad in ay ah la wareegaan hogaanka Galmudug ayaga oo aan ka fakarin dhibka ka imaankara dagaalka dowlada Fedaraalka ku hayso dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhanka kale hogaanka Al Sunna Wajameeca oo qayb ka ah Galmudug aya ayaguna diyaar garoow xoogan  sameeyay diyaarna u ah in ay difaacaan hogaanka Galmudug  iyaga oo isticmaalaya awood ciidan iyo mid dhaqaalaba. Waxaan shaki ku jirin in dagaalka uu Farmaajo qorsheeynayo in uu ku qaado Dowlad Goboleedka Galmudug uu sabab u noqon doono burbur hor leh ee ku yimaada dowlada Fedaraalka.