Dagaal ka dhacay Magaalada Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay!!

Reading Time: < 1 minute

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhimasho iyo dhaawac ka dhashay is rasaaseyn dhax martay ciidamo katirsan Booliska dowladda iyo ilalada Hey’ad qaabilisan Arimaha Qaxootiga ku dhaqan degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay waaxda 3-aad ee degmada Kaxda, halkaasi oo is rasaaseyn ku dhax martay Ciidamo Boolis ah iyo ciidan kale oo ilaalo u ah Hey’ada qaabilsan arimaha Qaxootiga.

Inta la Xaqiijiyay Iska hor imaadka waxaa ku naf wayay hal ruux, halka laba.kale ay ku dhaawacmeen.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sido kale sheegaya in ay difaacyo wali ay ku kala jiraaan labada dhinac, oo mararka qaar is dhaafsanaya rasaas teel teel ah.