Dagaal ka dhacay duleedka magalaada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya degaanka ceelasha biyaha  ayaa sheegaya in halkaas uu xalay ka dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka tirsan dowladda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalkan uu ka dambeeyay kadib markii ciidanka Al-shabaaba ay weerar  gaadmio ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Tuulada Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Jogya iyo rasaasta ay labada dhinac isweydaarsanayeen ayaa waxa laga maqalayay qaybo ka mida  Muqadihu. Dagaalkaas ayaa la sheegay in uu  socday muddo ku dhow hal saac ,isla markaana labada dhinca ay isdhaafsadeen rasaas xoogan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay,  Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda  Fedaraalka oo ay uga hadlayaan weerarkii Al-shabaab  ay ku soo qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Tuulada Arbacow.