Al Shabaab oo markii u horeeysay maanta si toos ah u soo galay Muqadishu iyaga oo ku labisan dharka ciidanka

Reading Time: < 1 minute

Kooxda Al Shabaab ayaa maanta ayaga oo ku labisan dharka ciidanka Xooga Dalka iyo gawaarida ciidanka  soo galay magalaada Muqadishu. Ciidanka Al Shabaab ayaa labo dhinac ka soo galay magaalada. Koox waxa ay yimaadeen ilaa xaaafada  loo yaqaan Saay Biyaano halka qaar kale ay soo galeen dhanka iyo Ex Kontol Balacad wadada marta dhanka  danbe ee xaafada Juungal.

Ciidanka AL Shabaab oo ayan ka muuqan wax cabsi ah ayaa waxa ay ku duleed deegnaaka K8 sagaal qofood halka dhanka Toowfiiqna ay laba askari ku dileen.

Waa markii ugu horeeysay oo ay Al Shabaab dharaar cad soo weeraraan mgalaada Muqadishu. Kooxda Al Shabaab ayaa gacanta ku haysta qaybo badan oo ka mida magaalada Muqadishu gaar ahaan wixii ka danbeeya  5ta galabnimo xiligaas oo aad ku arkaysid   deeganadaasAl Shabaab oo u socda koox koox.

Deeganada ay ka taliyaan kooxda Al Shabaab ayaa wax ka mamnuuc ah in ay yimaadaan mas’uuliyiinta ka tirsan dowlada fedaraalka halka dadka shacabka aya sida ay doonan ugu mushaaxaan.

Talabaada ay kooxda AL Shabaab qaaday maanta aya waxa cadaynaysaa in Al Shabab ay saacada ay doonaan qaadi karaan weerar ama ay la wareegi karaan qaybo ka mida Muqadishu.

Saafaxadda magalaada Muqadishu ayaa maanta lagu wargaliyay in ayan tabin weerarka qaawan oo ay kooxda Al Shabaab maanta ku soo qaadeen qaybo ka mida Muqadishu.