Dagaal ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka shabeelaha hoose

Reading Time: < 1 minute
Dagaalkan ayaa xalay waxaa uu ka dhacay deegaanka Sabiib ee dhaca duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen in xalay ay maqlayeen jugta rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Al-shabaab iyo Ciidanka dowladda federaalka ee ku sugan deegaanka Sabiid.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalkan markii uu ka dhashay weerar Al-shabaab ay kusoo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay Sabiib, waxaana weerarka ku dhintay sida la sheegay hal Askari oo ka tirsan dowlada.

Al-shabaab ayaa inta badan xiliyada habeenkii ah waxaa ay weeraro kala duwan ku qaadan Saldhigyada Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolada dalka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!