
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ururka Al-shabaab. Dagaalkaan ayaa dhaxay xalay fiidkii waxa uuna ka dhacay degaanka Ceel-saliini ee duleedka Magaalada Marka. Waa markii labaad uu dogaal noocaan ah uu halkaas ka dhaco mudo ku labo asbuuc gudahood ah.
Iska horimaadkaan ayaa yimid kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada Kumaandooska Gor-gor ee Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-saliini, waxaana dagaalkaas uu socday muddo kooban.
Dowlada Fedaraalka wali kama aysan hadlin qasaaraha ka dhashay weerarkii xalay Al-shabaab ay ku qaadeen fariisimo Ciidamada Kumaandooska Gor-gor ee Xoogga ay ku leeyihiin deegaanka Ceelsaliini Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoona saaka xaalada deegaankaas ay tahay mid degan.