War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka socda agagaarka isgoyska Carwo Itko ee magaalada Muqdisho, kaasi oo billowday daqiiqado ka hor.
Dadka deegaanka, oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay, inay maqlayaan rasaas fudud iyo mid culus oo ay isku adeegsanayaan laba koox oo halkaas ku dagaalamaya.
Illaa iyo hadda xog rasmi ah lagama hayo labada koox ee dagaalamaya. Waxaan sidoo kale la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkan.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan ku dhex-dagaala ciidamada dowladda Soomaaliya, inkasta oo ay suurta-gal tahay in dagaalkan ay dhinacyo kale ku lug leeyihiin.