Waxaa shacabka reer Laascaanood saakay ku soo baraarugeen dagaal iyo madaafiic la isku dhaafsaday duleedka iyo gudaha magaalada Laascaanood.
Sida ay sheegeen dad ku sugan magaalada Laascaanood, ciidamada dowlada la magacbaxday Somaliland ee fadhiya Gooja-cadde ayaa madaafiic xooggan ku garaacay magaalada Laascaanood.
Madaafiicda ay ridayaan ciidamada Somaliland oo laga maqlay masaafo durugsan ayaa u dhacaysa jihooyin kala duwan. Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in weerar lagu soo qaaday ayna iska difaaceen.
Madaafiicda ay labada dhinac isweeydaarsanayeen ayaa magaalada Laascaanood dhinacyo badan ka gaartay inkastoo aysan weli caddayn khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay.
Ciidamada degaanka ee SSC-Khaatumo oo jawaab ka bixiyay madaafiicdaas ayaa hubka culus ku garaacaya dhanka Taliska Gooja-cadde.
Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya iyada oo odoyaasha dhaqanka ee SSC ay ku sugan yihiin magalaada Muqdisho kuwaas oo kulamo kala duwan ka qaatay mas’uuliyiin kala duwan oo ku sugan magalaada Muqdisho. Sida ay MOL u sheegeen ilo lagu kalsoon yahay ma maaquto wax natiijo ah oo ka soo baxay ama ka soo bixi kara kulamadaas.