Dagaal dib uga bilaawday deegaankii (Hiiraan) shalay lagu dagaalay

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan karar naga soi gaarayo Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay dagaal khasaare gaystay uu markale ka qarxay galbeedka magaalada Beledweyne. Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Baladul-Nuur , waxaa uuna u dhaxeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega deegaankaasi

Dad ku sugan degaankaas ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka saakay markale ka bilowday deegaanka Baladul-Nuur, islamarkaana dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Dagaal ayaa salka ku haya dhul beereed ku yaala deegaanka Baladul-Nuur ee galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.