Dagaal ka dhacay Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhaawacmay Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.
Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu dhexmaray ciidan kawada tirsan Ciidanka dowlada federaalka Soomaaliya.
ilaa hada lama oga tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalkaas.
Shaqaaqooyinka ka dhacaya Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ayaa sii kordhaya iyada oo ayan jirin mas’uuliyiin lagala xisaabtamo dhibkaas joogtada ee soo wajaha shacabka ku dhaqan Muqdisho.