Dagaal dhexmaray Al Shabaab iyo ciidanka Gobolka Bay oo khasaare ka dhashay

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya Magalaada Baydhabo ayaa sheegaya in uu dagaal  u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ku dhaxmaray kontorool Ciidamada Dowladda ku leeyihiin Jidka Soddonka ee magaalada beydhabo

Warka ayaa intaas ku daraya in iska horimaadkaasi uu  ka dambeeyay, ka dib markii Alshabaab ay weerarareen kontoroolkaasi. Ciidamada Dowladda ayaa iska caabiyay  weerarka lasoo  qaaday, kuwaa oo muddo ka dib ay ku khasbeen inay dib u gurtaan.

Xaafadaha Mursal iyo Idaada oo ku dhow kontoroolka la weeraray ayaa laga maqlayay rasaasta  la’isku adeegsaday iska horimaadkaasi. Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska horimaadkan, hase yeeshee Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegaya inaanu dhankooda wax khasaaro ahi ka soo gaarin weerarkaasi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!